Hooyo safiyo Awxmed Xaaji Dhalkhayr oo maanso dheer ka tirisay dagaaladii dhexmaray baarlamanaaka iyo labada shariif oo heshiis hoose wada galay
January 15, 2012 // admin1 // Articles, Dhacdooyinka Puntland, NewsAsalaaamu calaykum waraxamatullaahi wabarakaatuhu: Salaanta islaamka bacdigeeda ilaahay ayaa mahad iska leh maamuus iyo xusitaana muda
marka xigana mutaabaco muxamadoow nabigiiisa c.s.w ayaa iska leh. Araartaas dabadeed waxaan salaamayaa shaqaalaha shabakada puntlandvoice.com
iyo dhamaan akhristayaashiisaba intaak kabacdi halkan waxaan doonayaa inaan kusoo bandhigo Tix-aan ugu jawaabay Abwaan da,yar oo soomaaliyeed
oo la yiraahdo Cabdirashiid Maxamed Cali Caaqilka kaasoo curiyay maanso uu ugu magac daray Xil ma saarna–oo uu ku falanqaynayay waxqabad
la,aanta baarlamaanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya su,aalona uu umada soomaaliyeed ku waydiinayay anigu waxaan isku dayay inaad
Ka jawaabo inbadan oo su,aalihiisii kamid ah sheegona xaqiiqada xildhibaanada uu ka hadlay iyo xubnaha ka tirsan maansadana waxaan u bixiyay
oo ugu wanqalay Xildhibaano Jaan; waxaan iri
Xubno maaha duulkani
Xayawaano weeyaan
Xoolaha waa ka liitaan
Xaqsoor daa warkiisaba
Xaqdaraday ku naaxaan
Xeerbeegti maan arag
Xildhibaana maba jiro
Xilkas iyo aqoonyahan
Xabaal baa nus loodiray
Xabsigana nuskii kale
Xaajadoodu waa saas
Xeero lala wareegiyo
Xoolo doono mooyee
Xishood waa la tuuroo
Xayadiyo asluubtii
Xabaal bay ku duugeen
Afartaa xasiliyayeh
Xagaygana su,aalaha
Xuuraamin sheekada
Xaqiiqiyo jawaab doon
Xalka aynu goobneeh
Haduu lumay xaqdhowrkii
Xagee baan ka doonaa??
Xornimada la xirayoo
Xerada ay ku oodeen
Sidee uga xoraynaa?
Xujadoo aqooniyo
Xaajadoo ka tagidiyo
Xaasidkoo la faanshiyo
Xabiibkoo la dayrshaa
Xumaheeda aragnaye
Xalkeedii ma dhowyahay?
Afartaa xasiliyaye xorta aan u daadago
Xoodaaminteediyo xoorkeeda
Maansada aan idiin xantoobshee
Dadku inuu xan daaq yahay
Xogtana aan wadaagnoo
Xukun iyo dastuur jiroh
Xuduud iyo leh qaanuun
Xasilin kara dhibaatada
Xannibi kara balaayada
Xarbigana idlayn karah
Xuub igama saaree
Xildhibaanadaan jaan
Xogtaa tolow ma seegeen?
Miyaan xarafba loo dhigin?
Xumaan aysan garan karin?
Xeer miyaan lasoo barin?
Xarbi inuu inkaar yahay
Xasilooni dahab tahay
Xornimadu macaan tahay
Xaq wadaninimadu tahay
Xildhibaanadaan jaan
Tolow may xusuustaan?
Xubnihii federaalku
Xal u waaye dalkii
Xilkana waa sidayaan
Hadii aan laga xoogin
Xufna aan laga siinin
Wadani uusan xanaaqin
Dumarku xiisad bilaabin
Dhalintu xaalka dareemin
Xogogaalna wax sheegin
Xaqsoor uusan dhawaaqin
Xaqdaro aysan salguurin
Xakiimna uusan dulaynin
Xarafkaasi dhab weeye
Xaqiiqdii la hubaaye
Xigtadooy iga hooya
Xifdiyoo wax ku qaata
Xumaantaa xamar taala
Xinjirahaa qulqulaaya
Xabadaa ka dhacaysa
Shacabkaa la xasuuqay
Xarakaadka shabaabka
Xisbigaa amnisoomka
Iyo xaynta shariifka
Xanuunkeedu ma taaban
Xummadeedu ma gaarin
Xukun baana u muuqda
Xoolona way ku cunaan
Xoogsi bay ka dhigteen
Xil ma saarnana weeye
Xaakimna waa arkayaa
Xarafkaasi dhab weeye
Xaqiiqdii la hubaaye
Xigtadoy iga hooya
Xifdiyoo wax ku qaata
Sakiinkaad xasadkiisiyo
Xilka uu ku dagaaliyo
Xubnahuu kala geeyiyo
Xumaantiisa tilmaantay
Xiri maayo shariifku
Xiriir baa ka dhexeeya
Xan hoosaa lagu sheegay
Xoogaaguu la cunaaa
Xisaab bay isku raaceen
Xarigna waa ka mamnuuc
Xuuraamin aan ku sameeyay
Xogtii aan ka aruurshay
Xaqiiqdeedu wataase
Idinkoon i xumaansan
Xarafkaasi dhab weeye
Xaqiiqdii la hubaaye
Xigtadoy iga hooya
Xifdiyoo wax ku qaata
Xiisad yaysan i qaadin
Xogtana aan ururshee
Xakiim aan u rujuucno
Xumaanta aan iska dayno
Xaqana aan u gargaarno
Xilka yaan lagu dheelin
Xooluhu waa dhalanteede
Xeeryahaan ku gurayno
Xabaal baan kagalaynaa
Xisaabna way ka dambayn
Xalaasha aan ku dadaalno
Xaliim hayna hanuunsho
Xarbiga haynaga qaado
Xalkana haynagu beego
Xumaan haynaga suulsho
Xaqana haynagu aadsho
Aamiin Aamiin Aamiin
Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji (dhalkheyr)
Email: dhalkheyr@hotmail.com
Reply Forward


