Ilaalada Madaxtooyada oo Xalay Caruur ku dileen guryaha fanaaniinta ee EX fiyoore
October 31, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-askar ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa xalay rasaas ooda uga qaaday caruur ku sugneyd nawaaxiga madaxtooytada halka loo yaqaan Ex Fiyoore oo ay degan yihiin fanaaniintii hore ee hobolada waaberi iyo caruur ay dhaleen.
Sida mid ka mid ah fafaaniinta halkaasi ku dhaqan ay u sheegtray idaacada shabelle ee Muqdisho 3 caruur ah ayay haleeshay rasaastii ciidamada Dowladu xaafadaasi yar ku fureen.
mid ka mid ah caruurta ayaa isla goobtii ku geeriyooday halka 2 kale ay dhaawacyo soo gaareen sida ay sheegtay xawlo naxar oo fafaaniinta meeshaasi dagan ka mid ah islamarkaana dhashay mid ka mid ah caruurta dhaawaca uu soo gaaray.
Mar wax laga weydiiyay sababta rasaasta ay ciidamada Dowladu u fureen ayay sheegtay inay ahayd ula kac ayna doonayaan kaliya si halkaasi uga barakacaan fanaaniinta iyo ehaladooda mudo deganaa halkaasi.
waqtiga rasaasta ay furayeen ciidamada Dowlada ayay sidoo kale xalwo sheegtay inay ugu marmarsiyoodeen haween uu dagaal u dhexeeyay oo la kala celcelinayay.
“ahadey dhibaatada nagu sii hayaan waan ka guureynaa meelaha ururada islaamiyiintu ee nabada laga sheegayo ayaanu qabaneynaa” ayay tiri Xalwo Naxar
Rasaasta ilaalada Madaxtooyada ay sida bareerka ah ugu laayeen xalay Caruurta ayaa imaaneysa xili bilo ka hor saraakiil Madaxtooyada ka tirsan ay hore u amreen in dhamaan dadka ag degan madaxtooyada ay isaga guuraan oo meelo kale raadsadaan.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@hotmail.com


