News

Imaaraadka oo degniin U diray Dawladda Soomaaliya

Imaaraadka ayaa wali ka digaya tallaabooyinka ay ku dhaqaaqayso dowladda Soomaaliya ee ku aadan dalka Imaaraadka.

Wasiir dowlaha arrimaha dibaddq Imarat, Anwar Gargash, ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twittera, wuxuu cadeeyay in xukuumada Muqdisho ay abuurayso xiisad aan loo baahnayn.

Gargash, ayaa soo jeediyay in dowladda Federaalku la timaado xeelad iyo qorshe lagu dejin karo arrimaha taagan.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Maxamed Mursal ayaa shaaciyay inay joojiyeen calaaqaadka Imaaraadka ee dhinaca Milatariga.

Todobaadkan Wakaalada wararka xukuumadda Abu Dhabi ayaa sheegtay in lagu xadgudbay lacag ay u wadeen ciidamada Soomaaliyeed ee ay taageeraan iyo Askartoo la socotay diyaaradii waday ku dhawaad 10milyan oo lagu siday saddex Boorso.

Hadalkan ayaa ka dambeeyay markii dowladda Baxrayn ay la safatay Imaraadka oo ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay cadaawad u muujisay waddan soo garab qabtay waqti adag.

Isku soo duuboo xiisadda Imaraadka iyo Soomaaliya, ayaa wali cakiran lamana oga halka uu cagadhigan doono.