News

imaaraadka oo u Yeeray Muuse Biixi

Hogaamiyaha Maamulka Soomaliland muuse biixi ayaa looga yeeray Imaaraat-ka Carabta kadib markii baarlamaanka Soomalia uu Xeeriyay xeer dalka looga mamnuucaayo Shirkadda DP-World .

Diyaarad qaas ah ayuu Imaaraat-ka usoo diray Muuse biixi waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada Abu dhabi ee dalka isu-taga Imaaraat-ka carabta.

Muuse biixi wuxuu marti qaad ka helay dhaxal sugaha Imaaraat-ka carabta waxaana socdaalkiisa ku wehlinaya wasiiro iyo hogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

U yeeridda loo yeeray muuse biixi ayaa ka dambeysa ka gadaal markii baarlamaanka soomalia uu meel mariyay xeer culus oo dalka looga mamnuucaayo DP-World Imaaraat waxaana muuqata in Imaaraat-ku ku fashilmay heshiiskii dekedd Berbera go’aanna uu ka qaadan doono qandaraaska ay kula jiraan Maamulka Soomaliland.