News

Iska hor imaad Ciidanka Dawladda ku dhexmaray Moqdishu

Iska horimaad u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay Agagaarka Xeradda Generaal Goordan oo dhawaan dowladda ay kala wareegtay Imaaraadka Carabta.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Muddo ku dhow Saacad ayaa waxaa socday dagaal xooggan.

Ilaa iyo hadda Ma cadda waxyaabaha keenay in ciidamada dowladda ay ku dagaallamaan halkaasi, waxaana jirta in wali dowladda Imaaraadka Carabta ay daadgureynayso Alaabtii ka taallay Xeradda General Goordon.