News

Israa’iil ayaa sheegtay in ay toogasho ku soo ridday diyaarad kuwa dagaalka ah oo ay leedahay Suuriya,

taas oo gashay hawadeeda – arrintaas ayaana ah dhacdo naadir ah oo dhexmarta labadaas dal ee is haya.

Gantaalo ayaa lagu riday diyaaradda dagaalka ee nooceedu yahay Sukhoi, sida ay Twitterka ku soo qoreen ciidammada difaaca ee Israa’iil.

Dhacdadaasi waxay ka dhacday buuralayda Golan Heights ee la haysto, mana cadda waxa ay ku dambaysay xaaladda duuliyihii.

Wakaalada wararka Suuriya ee Sana ayaa soo xigatay ilo milatariga ka tirsan oo aysan magacaabin, waxayna sheegtay in diyaaraddu ay wadday weerarro ka dhan ah “kooxo argagixiso ah oo hubaysan” kuwaas oo u dhawaa dooxada Yarmuuk ee koonfurta ku taalla.

Suuriya ayaa jabhadaha ka soo horjeeda si joogto ah ugu yeerta argagixiso.