digg icon delicious icon

Israsaaseyn dhimasho sababtay oo Maanta Degmada Xamarweyne ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Dowlada KMG Soomaaliya

November 27, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Inta laga warhayo 3 askari ayaa ku dhintay dagaal maanta ku dhexmaray degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho ciidamo ka kala tirsan Milateriga iyo Boliiska.

Dagaalka oo ka dhacay nawaaxiga Saldhiga 4irdood ayaa la sheegay in ciidamadu qadar daqiiqado ah is rasaaseynayeen taasoo keentay geerida 3-da askariay dhintaan iyadoo xusid mudan yahay in dhamaan kuwa dhinta ay ahaayeen boliiska oo la soo gaaday iyagoo aan diyaar u ahayn dagaal.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo Boliis ah oo waday howlgalo amni sugid ah ay qabtee askari milateri ahaa kadibna ay si qasab ah kaga dhigeen qori gacmeed uu watay,markaa kadibna uu u  tagay saaxiibadiis kuwaasoo soo kaxeystay baabuur dagaal kadibna waxay weerar ku soo qaadeen askartii boliiska ahayd.

Ciidamada Boliiska oo aan warba u ahayn in weerar lagu soo yahay iyagoo markaa ku sugnaa nawaaxiga saldhiga afar irdood ayaa dhamaantood rasaas lala dhacay waxaana markiiba u dhimatay 3 askartaasi ka mid ah iyadoo gaarigii milaterigu wateen uu ka baxsaday goobta.

wararka ugu danbeeya ee aan heleyno ayaa sheegaya in saraakiil Dowlada ka tirsan ay wadaan sidii xiisadaasi lagu qaboojin lahaa loona soo qaban lahaa kuwii falkaasi ka danbeeyay.

Muqdisho-somalia
allburtinle.com

 

Readers Comments (0)