News

Jawaari oo Khudbad u jeedin doona baarlamaanka Soomaaliya

Kulanka baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maanta uu qabsoomo waxaana ajandahiisa uu yahay hadal jeedinta guddoomiyihii xilka guddoonka baarlamaanka iska casilay prof maxamad shiikh cusmaan jawaari.

Guddoomiye jawaari ayaa la filaya in istaqaalladiisa uu ka hor jeediyo xildhibaanada golaha shacabka.

Hadal jeedinta guddoomiyaha oo shalay loo madalsanaay ayaa baaqatay kadib markii uu muran ka dhashay qabsoomidda kulanka golaha shacabka.

Dhinaca kale maanta waxa ay ku beegantahay 12-ka april waa maalintii la aas aasay ciidamada xoogga dalka soomalia waxaana guud ahaan dalka gaar ahaan caasimadda muqdisho ka dhici doona fantasyahay loogu dabaal dagaayo ciidamada xoogga dalka.

Madaxweyne farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo munaasabaddaha loogu dabaal dagaayo 12-ka april oo ku beegan markii dhidibada loo taagay ciidan soomaaliyeed oo quwad badan leh kana dhex muuqday ciidamada ugu xoogga badan wadamada qaaradda afrika.