digg icon delicious icon

Julian Asang oo balan qaaday inuu soo bandhigayo magacyada madaxda dunida oo jaajuuska u ah mareykanka

December 30, 2010   //     //   News

Julian Asang oo ah aasaasaha websiteka Wikileaks oo dhawaanadan looga bartay in uu soo bandhigo Ducomentiyo sir ah ayaa wuxuu ballan qaaday in uu soo bandhigi doona magacyada qaar kamid mas’uuliyiinta caalamka oo uu ku sheegay in ay jaajuus u yihiin dalka Mareekanka.

Asang ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan wadamada carabta oo jaajuus u ah dowladda mareekanka iyagoo u gudbiya sirta dalkooda taasoo uu ku tilmaamay in ay thay mid qiyaano ah.

Julian ayaa tilmaamay in aysan ka cabsi qabi dhibaato ugu timaada dhanka mas’uuliyiintaasi waxa uuna ballan qaaday in goor dhow uu soo bandhigi doona magacyadooda.

arintan ayaa dhalisay in qaar badan oo kamid ah mas’uuliyiinta carabta ay wal wal ku abuurto iyadoo dowlado badan oo kamid ah carabta looga shakisan yahay in ay ka shaqeeyaan maslaxada mareekanka.

Xuseen Nuur Xaaji (nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
nairobi,Kenya

Readers Comments (0)