News

Kacdoon Hubaysan oo looga soo Horjeedo soomaliland oo ka bilawday Magaaladda Laascanood

Waxaa magaaladda laascaanood maalmihii ugu danbeeyey ka socday mudahraadyo iyo kacdoono kuwasoo shacabka magaaladda laascaanood ay kaga soo horjeedaan joogi taanka ciidanka soomaaliland, mudahraad yadaan ayaa ahaa kuwo gil gilay guud ahaan magaaladda, waxaaana guud ahaan xaalad kacdoon ah kuwasoo shacabka magaaladda,

Waxaa guud ahaan lagu arkayaa gudaha magaaladda maleeshiyaad hubaysan kuwasoo magaaladda gaaf wareegaya kuwasoo ah dadka deegaanka, iyadoo laga cabsi qabo in gudaha magaaladda uu ka dhex bilawdo dagaal kacdoon ah kuwasoo shacabka magaaladu uga soo horjeedaan ciidanka soomaliland,

guud ahaan waxaa abaabul xoogan ka socdaa deegaanadda hoos yimaada magaaladda laascanood iyadoo la arkayo shacabka deegaanadda uu hub iyo ciidan ku aruurinaya si looga hortago ama looga saaro, ciidanka soomaliland ee Gobolka sool.