digg icon delicious icon

KHAATUMO 2………… GUUL iyo HORUMAR.

January 9, 2012   //     //   Articles

Waxaa si habsami ah magaalada taariikhiga ah ee TALEEX uga socda shirkii lamagac baxay KHAATUMO2 oo beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed aayahooda mustaqbal ay halkaa uga tashanayaan. waxaan qormadan ku eegi doonnaa waxyaabaha la filayo in ay ka soo baxaan shirkaas, gaar ahaan xagga siyaasadda iyo sida saameynta uu ku yeelan karo qeybaha kale ee isku haya siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan Puntland & Somali-land.

Qoraa Sare: Faarax Warsame

Shirka Khaatumo2 inkastoo beel u socdo haddana xagga xamaasadda shirku wuxuu u dhigmaa ama ka daran yahay kii maalmo ka hor lagu soo gabagabeeyay GAROOWE.

Saddex dhinac haddii laga eego, waxaan shaki ku jirin in uu shirkan yahay mid aan caadi aheyn. Waana saddexda arrimood ee aniga sida goonida ah ii soo jiitay kuwaas oo aan halkan inta karaankey ah kaga hadli doono waxa kala yihiin: 1)Midnimada (Ammaanka) 2) Siyaasadda (Somali-land, Puntland, DFKMG) iyo 3) Meesha uu shirkan ka socdo ee TALEEX iyo magaca uu shirku wato.

1- Midnimada (Ammaanka)

Shirkan ayaa noqonaya shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee sidaa loo soo qabanqaabiyo. shirarkii kale ee hore halkaa loogu qaban jiray wuxuu kani kaga duwan yahay, ergada ka soo qeyb gashay oo ka kala yimid gudaha & dibedaba, oo ay ku jiraan Issimo, Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin caan ah.

Qodobka ugu horreeya ee ajandaha shirka go’aan mideysan laga rabo in laga gaaro ama ka soo baxo waa kan Midnimada Beesha .

Midnimada iyo Ammaankuna waa labo shey oo wada socda iskuna xiran, waana labo shey oo qaali ah oo aan la’aantood horumar la gaari karin. Wuxuu qodobkani u egyahay sida siyaasiyiin caana hore uga dhawaajiyeen, qodobka ugu muhiimsan uguna dhibka badan ee shirkan laga filan karo, lagana yaabo in uu maalmo qaato. Waxaana taa keenaya iyadoo kala qeybsanaani jirto , taasoo u baahan in la isu soo jiido qeybahaa kala duwan ee mid walba siyaasad gooni ah wato.

Kala fikir duwanaanshaha siyaasiyiinta beesha waxay keentay in mowqif adag ka istaagi waayaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan labada maamul ay bartanka uga jiraan ee xarig jiidku ka dhaxeeyo waa Puntland & Somali-land. Laakiin markan xaalku sidii hore maaha oo waxaa la raadinayaa hal jaho oo laga duulo, iyo hal go’aan oo la qaato, waana rajada keliya ee shirkan laga qabo.

2- Siyaasadda

Arrimaha Siyaasadda waxaan u qeybin doonaa dhowr qeybood oo mid walba howshiisa goonida ah wato, waxaan ugu hormarin doonaa su’aasha dadku is weydiinayaan maalmahan oo dhan taasoo ah maxaa laga filayaa in Shirkan ka soo baxo?

Sida wax u socdaan, xajmiga ergada shirka ka soo qeyb gashay oo aan ku ekeyn issimo iyo shacab keliya, waxaa shirka ku weheliya siyaasiyiin iyo aqqonyahanno kale  wey iska caddahay in arrintu midnimo keliya ku ekeyn oo halkaa qodob siyaasadeed ku jiro, waxaana loo badaniyaa in maamul ka soo baxo, magacuu doono ha wato, siyaasaduu doono ha aaminsanaadee! Marka haddii shirkani maamul madax banaan looga dhawaaqo, yey GUUL u tahay? yeyse GEERI u tahay? Waa hadafka qormada  ee maanta.

Shaki kuma jiro in heshiiska halkaa ka soo baxaa ee ay ummadda halkaa isugu tagtay ee tirade intaa le-eg ah wixii ay ku heshiiyaan ay GUUL taariikhi ahi u noqoneyso shirka iyo inta taageersan . Laakiin haddaan wax iska weydiino ummadihii kale ee ay siyaasadda wadaageen sida Puntland, Somali-land, DFKMG ah iyo Soomaalida kale maxay iyaga u tahay ma GUUL mise GEERI…?

Aan ku bilaabo

Dhawaaqa Somali-land

Somali-land durba mowqifkeeda shirka wey caddeysay, qeylo weliba hanjabaad wadata ayaa ka soo baxday waxayse su’aashu tahay maxay ka baqeysaa Somali-land? Wey iska caddahay waxay GEERI la filayay ku noqoneysaa maamulka Somali-land oo isagu aaminsan in uu Soomaaliya inteeda kale ka go’ay.

Waxaa ugu horreeya waxay halkaa ku lumineysaa howshii & hankii siyaasadeed ee muddada 20-ka sano ka badan soo wadeen, taas  oo ah in mar uun gooni uga istaagto dalka Soomaaliya intiisa kale. Waxaa sidoo kale abuuri kartaa fur-fur hor leh oo isla maamulkaa ku yimaada, iyadoo gobolo kale oo isla Somali-land ah maalmahan cabasho ka soo yeereysay.

Dhawaaqa Somali-land waxaa sidoo kale laga dhadhansan karaa in ay isku halleyneyso koox wasiiro u badan oo maamulkooda ka tirsan kana soo jeeda beesha Taleex ku shirsan, kuwaas oo sabab-ba u ah in maamulka Somali-land uu ka taliyo dhul ay beeshani dagto, maamullo hore halkaa looga dhisayna gunufka ku dhuftay. La arki doono halka ay kooxdani ku biyo-shubtaan marka go’aan mideysan uu halkaasi ka soo baxo.

Aamusnaanta Puntland

Ka sokoow shirkan oo ay garwadeen ka yihiin qaar ka mid ah rag ay Puntland siyaasadda isku naceen, haddana maamulka Puntland wuxuu xaalkiisu marayaa SUG oo ARAG  waxa ka soo baxa.

Aamusnaanta puntland waxaa lagu sababeynayaa, dhowr arrimood waxaana ugu mihiimsan, waxay qabaan in ay tahay wax aan dhaqanka ku wanaagsaneyn in beel shireysa oo weliba xigto & xigaal u ah, oo aan la ogeyn waxa ka soo baxaya kharaar & macaan la hor boodo & tan kale oo ah hadalka puntland waqtigan ka soo yeeraa uu ka xoog iyo dag-dag badan yahay kan maamulka Somali-land marka fasiraadaha  kala duwani dadku ka bixiyaan. Markaa puntland waxay qabtaa wax uga wanaagsan sida ay hadda yeeshay lama hayo.

Dhinaca kale, haddii maamul halkaa looga dhawaaqo, dhinac wuxuu Puntland u yahay GUUL dhinacna GEERI.

Guusha haddaan ku hor maro, Waxay guul u tahay shacabka reer Puntland intooda badan kuwaas oo marar badan ku celcelin jiray in beesha halkaa dagta mar uun la arko iyagoo ka midoobay mad-madowgii ku kala dhex jiray & kala qeybsanaanta.

Sidoo kale dadka qaar ayaa aamisan in uu maamulkaasi garab uu u noqon karo maadaama Soomaalidu u ka la baxday qabaa’ilo iska soo horjeeda.

Wuxuu sidoo kale Puntland u noqon karaa GEERI, maadaama maamulkaasi challlange adag la geli karo maamulka Putland marka ay noqoto arrimaha federaalka, maamulka puntland wuxuu hadda u muuqda maamul ballaaran, adag sida lagu loodiyaana adag tahay. Markaa Awoodda intaa le’eg ee ay Puntland ku leedahay gudaha Soomaaliya gaar ahaan Federaalka wey yaraaneysaa.

Dowladda Federaalka

DKMG ah ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin shirkan ammaan & dhaleeceyn toona. DFKMG oo iyadu laftigeeda saddex awoodood ka kooban, ayaa qolo welibana waxay shirkaa ka eegeysaa maslaxadeeda siyaasadeed. Awoodda ugu sarreysa ee DFKMG, kooxda Sh Shariif waxaa shirka ugu jira qaar saaxiibadiisii hore ka mid ah weliba ay aadka isugu dhawaayeen.

Qeybaha kale ee DFKMG ah sida rai’sal-wasaraha & raisal-baarlamaanka oo baryahan saaxiibbo xagga siyaasadda ka ahaa, marka ay noqoto arrimaha federaalka iyo sida arrimahan oo kale loo maareynayo, waxaa dhici karta in ay Sh Shariif kaga fikrad duwanaadaan.

Waxayna wax waliba kala caddaanayaan marka midkood shirka soo hadal qaado, taageero ama dhaleeceyn midkey doonto ha ahaatee halkaa ka sheego. dabadeedna wixii markii hore qarsoonaa banaanka u soo baxaan.

Shirka Khaatumo 2 laftigiisa

Sida loo wada badinayo, aan ka soo qaadno in maamul halkaa looga dhawaaqo. waxaa khasab noqoneysa in uu buuxiyo qodobka ugu horreeya ee federaalka looga mid noqon karo, waana in uu noqdaa labo gobol iyo wixii ka badan.

Gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn  haddii sidooda loo qaato oo lagu heshiiyo halkaa waxaa ka soo baxaya maamul buuxa oo qodobkii ugu horreeyay uguna muhiimsanaa soo buuxiyay, markaa kadib arrimihii kale ayuu u gudbayaa in uu soo dhameystiro.

Laakiin maxaa dhacaya in haddii goboladaas midkood ka hor yimaado? Jawaabtu waa sahal, waa labo arrimmood mid uun: in si duu-duub ah loo qaato oo sidaa lagu wado laguna hirgeliyo, sidaana dowladda federaalka uga mid noqdaan iyo in xisaab la isula soo fariisto, taasoo hadhow muran siyaasadeed keeni karta. weliba aan ku daree maamulo hadda jira sida Gal-mudug oo inta ay ka taliyaan aan ognahay dhib u keeni karta. Ifafaalaha isla-xisaabtankuna durba waa soo shaac baxay, wataas oo

maamulka la magac baxay dooxada shabelle ee hadda gacanta ku dhigay baladweyne, uu hadal-kii raisalwasaare Gaas ka hor yimid markii uu ku dooday haddii Gal-mudug maamul tahay waxa aan anigu ko noqon karin waa in la ii caddeeyaa.

3- Taleex iyo magaca uu shirku wato

Taleex waa magaalo taariikhi ah waxayna ka mid tahay magaalootinka ugu magaca iyo faca weyn dalka Soomaaliya. Shirarka ka dhaca magaalooyin noocan oo kale waxay aalaaba noqdaan shirar taariikhda gala, xitaa hadduusan shirkaasu dhaqan gelin sida lagu hilmaamaa waa adag tahay. Dhinacaa markaad ka eegto Waxaana uu la macag ahaan karaa heshiisyo iyo shirar caalami ah oo magacyadooda illaa iyo hadda la sheeg sheego. Magaca shirku watana waa magac weyn taasoo macnaheeda dad kooban ay fahmi karaan.

Kheyr wax kaama dhimee shar u toog hay!!!

Marka laga soo  tago arrimaha Midnimada, Amaanka, Maamulka iyo arrimaha kale ee aan kor ku soo sheegay ee shirkan laga filayo, waxyaabaha kale ee laga filan karo waxaa ka mid ah.

Saddex-dii qeybood ee aan hore u sheegay ee kala ahaa ururkii SSC iyo qeybaha kala taageersan Puntland iyo Somaliland in ay ka biyo diidaan waxyaabaha halkaa lagu go’aamiyo iyagoo markaa maslaxadooda gaarka ah ka eegaya. Saddex-daa qolo madaxdii ugu sarreysay midna shirka iigama muuqdo, lama garanayo ujeedada ka dambeysa. Garanay sababta kuwa labada maamul ku jira uga baaqdeen laakiin weli waxaan la fahmin ururkii hore u jiray ee SSC sida uu uga maqnaaday, waana meesha shakigu ka iman karo.

Waxyaabaha kale ee halkaa laga filan karo waxaa ka mid ah Alle naguma keenee, wixii soomaali halkaa dhigay ee ah dagaalkii ahliga ahaa. Waxaana taa mar horeba sii caddeeyay maamulka Somali-land, taas oo ah in uu mar kale soo cusboonaado dagaalkii ahliga ahaa ee u dhaxeeyay Puntland & Somaliland.

Ugu dambeyn, malaga yaabaa in waxa aan ka hadleyno wax ka duwan halkaa ka soo baxaan? Oo meel cidla ah toobin ku heyno? Waa wax dhici kara, horena waa loo arkay. Marka shirar la isugu yimaado, caadiyan waxaa dhacda in dadka ka soo qeyb gala fikrado kala gooni ah ayay kala wataan, dad qaar iyagoo ajandahaba la socon ayayba halkaa yimaadaan, waxyna dadkaasi wax ku goostaan wixi halkaa ay kala kulmaan.

Is jiid-jiid mararka qaar lagu kala boodo ayaa shirarka ka dhaca, taasoo hadhow gunaanadka keenta in wixii la filayay wax aan aheyn meesha ka soo baxaan. Ama haddaan si kale u dhigo qolada ajandaha wadataa lagu diido fikirkooda. Waxaa sidoo kale waxyaabaha la filan karo ka mid ah in maamulada Puntland ama Somali-land midkood loo bato. Waana meesha ay sartu hadhow ka qurmeyso oo sheekadu ku soo gabgabowdo jug-jug meeshaada joog.

Dadka qaar baan ka maqlayay iyagoo leh, ka warama haddii sheekadaba la soo gaabiyo oo laga dhigo in labada maamul ee halkaa isku heysta inta la isku daro Laas-caanood laga xukumo oo labadaba halkaa looga taliyo. Iyadana waa fikrad kale oo aan la dhacay laakiin munaaqashadeeda leh.

Gabagabadii iyo gunaanadkii caqliga saliimka ah wuxuu noo sheegayaa in shirkan la taageero, weliba mid hiil & hooba leh, maadaama dad soomaali ah weliba  isku ehel iyo dano ah ay aayahooda halkaa uga tashanayaan.

Ugu dambeyn hadalkeyga waxaan ku soo gabagabeynayaa: “waxaan shirka Khaatumo2 u rajeynayaa GUUL iyo HORUMAR”.

Qoraa Sare: Faarax Warsame
Bile1971@hotmail.com
Jan 09 2012

Readers Comments (0)