Khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaarado dagaal ka gaysteen Jilib oo sii kordheysa
October 31, 2011 // admin // NewsJilib (AB):-Waxaa sii kordhaya dadka ku dhintay duqeymo diyaaradaha dagaalka ee Miiga loo yaqaa gaysteen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe kuwaasoo laga leeyahay dalka Kenya.
Inta la ogyahaya waxaa ku dhintay duqeymahaani dad garaya 15 ruux kuwaasoo dhamaantood ah dad shacab ah kuna sugnaa kaam ku yaal duleedka magaalada Jilib iyadoo ay xusid mudan tahay in diyaaradahaani ay gantaalo badan la dheceen kaamka iyagoo dareemi karay in halka ay duqeynayaan ay tahay kaam dad shacabi ah qaxooti ahan u dagan yihiin.
Sidoo kale waxay goob joogayaashu xaqiijiyeen in ku dhawaad 50 qofood ay ku dhaawacmeen weerarkaasi diyaaradaha kenya gaysteen iyadoo dhamaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay badnaayeen caruuur iyo haween sida la sheegay raashin xiligaasi loo qeybinyay.
Dhanka Dowlada Kenya wali wax war ah kama soo saarin duqeymaha ay ka gaysteen magaalada jilib xili ay hore ugu hanjabeen inay dagaalo ku qabsan doonaan gobolda Jubooyinka inkastoo madaafiic iyo gantaalo diyaarado laga soo riday aaney wax horumar ah keeni karin.
Dhanka kale sarkaalka u sareeya dhanka Xarakatu shabaabul Mujahidiin ee Gobolada Jubooyinka ugu hanjabay dowlada kenya inay kaga aarudi doonaan dadkii shacabka ahaa ee ay duqeymaha ku laayeen.
allburtinle.com


