News

KHILAAFKII BAARLAMAANKA IYO MOOSHINKII JAWAARI MAXAA KUSOO KORDHAY?

Iyadoo weli ay jirto xiisadda u dhaxeysa guddoonka baaamaanka iyo xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa socda kulamo aan kala joogsi laheyn oo la doonaayo in lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay mooshinka guddoomiyaha baarlamaanka lafa keenay.

Guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa koowaad muudeey ayaa kala magacaabay guddi labada dhinac ah oo kulan ka yeelan doona khilaafka baarlamaanka ka dhexjira.

Kulanka baarlamaanka oo maanta la filaayay in uu qabsoomo ayaa baaqday waxaana socda dedaalo lagu qaboojinaayo xiisadda cirka isku shareertay ee ka dhalatay mooshinkii kawaari laga keenay.

Guddoomiye jawaari wuxuu magacaabay guddi 7 xubnood ka kooban oo kulan la qaadan doona guddi kale oo ka socda dhanka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo Xildhibaanada mooshinka wada, si loo ambaqaado xal u helida arrimaha muranka ka taagan yahay.