News

Khudbada Musharaxiinta Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo Socota

Guddiga qaban-qaabada doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo shalay soo xirey araaji qabashadda Musharixiinta ayaa sheegay in ay is diiwaan galiyeen 11-musharax oo isugu jira Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsanaa Xukuumadda Soomaliya.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay si taxadar leh ay u dhagaysan doonaan Khudbadaha Murashaxiinta Islamarkaana ay ka soo xulan doonaan Xildhibaankii ay u arkaan inuu Baarlamaanka hogaamin karo.

Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa iska casilay 9-kii bishaan Gudoomiyihii hore Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari,kadib cadaadis uu kala kulmay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.