News

Koonfur galbeed oo 15 kun oo dollar gacanta u galisay sarkaal ka soo goostay al-shabaab oo maamulka Baydhabo isku soo dhiibay.


Munaasabad xalay ka dhacday xarunta wasaaradda amniga koonfur galbeed ee magaalada baydhabo ayuu wasiirka amniga ku wareejiyay $15,000 oo abaal marin ah sarkaal shabaabka ka soo goostay.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa waxaa lagu magacaaba Maxamed Xasan Aadan oo loo yaqaano Sandheere waxaana uu watay gaari nooca dagaalka ah oo uu ku rakibanyahay qoriga dhashiikaha loo yaqaan.