Sports

Kooxda Inter Milan oo Xalay hanatay Koobka Horyaalad Yurub (Sawiro Badan)


Madrid (AB):-Kulankii ugu danbeeyay Koobka Horyaalada Yurub (Chanpion leagua) ayaa xalay waxaa uu dhexmaray Kooxaha Inter Milan iyo Byer Munich oo ka kala dhisay Dalalka Talyaaniga iyo Jermany.

Ciyaarta oo aad u xiisa badneyn marka la eego daawadayaashii ka soo qeybgalay ayaa waxaa ay ugu danbeyn ku soo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku racday Kooxda INter Milan taasoo u suuragelisay inay hanato Koobka Hoyrada Yurub Eropian Chanpions leagua

Kulanka oo ka dhacay garoonka Kooxda Real Madrid ee lagu magacaabo Santiago Bernabeu ayaa waxaa labada kooxba ay soo ku soo bandhigeen ciyar dadkii daawatay u ka bogteen.

Labada Gool ee Kooxda Inteer Milan ku adkaatay ayaa waxaa u wada dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo D.Milito,wixii ka damnbeeyay guusha kooxdaani xala gaartay waxaa si weyn dabaal deg looga sameeyay gudaha garoonkii lagu ciyaarayay ee Santiago Bernabeu iyo waliba Dalka Talyaaiga oo ay ka soo jeedo Kooxda Inter Miltan.

Macalinka Inter Milan  Jose Morinho ayaa lagu amaanay guush guud ahaan Kooxda Inter ka soo hoysay Koobka Horyaalada Yurub. 








allburtinle.com
Xafiiska Warqabadka
 allburtinle.com ee Madrid