News

Kooxda Liverpool ayaa markii ugu horreeysay gaartay siddeed dhammaadka horyaalka Champions League

Sports: tan iyo xilli ciyaareedkii 2008/09, kaddib kulankii goor dhow barbaraha ku soo dhammaaday ee FC Porto. Liverpool ayaa wadarta labadii kulan ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League ku soo baxday 5-0 oo ay kunkii hore ku soo badisey.

Kulankan waxaa kalo uu uga dhignaa Liverpool inay sii xejisatay rekoodhka fiican ee ay xilli ciyaareedkan kaga soo jirtay UEFA Champions League iyada oo kulankii siddeedaad oo xiriir ah aan wax guuldaro ah la kulmin.Kooxaha Barcelona iyo Tottenham ayaa la wadaaga rekoodhkan. Docda kale, Real Madrid oo guul ka gaartay PSG ayaa iska xaadirisey wareega siddeed dhammaadka ee Champions League , kulan ku soo dhammaaday 1-2 , Madrid ayaa wadarta guud ku soo baxday shan gool.