Kooxdqa Real madrid oo 18 kadib ku guuleysatay Copa Del Rey
April 21, 2011 // admin // SportsKooxda kubada cagta ee Real-madrid ee dalka Spain ayaa 18 sano kadib hanatay xalay Koobka loo yaqaan Copa Del Rey markii ay fiinaalaha isugu soo hareen kooxda uu xifaaltana kala dhexeeyo ee Barcelona.
Ciyaarta oo 90-kii daqiiqo loogu talo galay ku soo dhamaatay 0-0 ayaa daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray qeybteeda danbe waxaa u suuragashay weeraryahanka Realmadrid Cristiano Ronaldo inuu shabaqa Barcelona gool taabsiiyo.
Goolkaasi waxaa ay u suuragelisay Realmadrid inay hanato kooba Boqorka Spain ee loo yaqaan Copa Del Rey iyadoo ay ugu danbeysay sanadkii 1993-dii.
Macalinka hada leyliya Realmadrid Mourinho ayaa isna waxaa ay u tahay koobkii ugu horeeyay ee uu la qaado kooxda Real-madrid tan iyo markii uu kooxdaasi yimid.
Labadaani kooxood waxaa sugeysa labo kulan oo ah semefiinaalaha koobka oo labadooda ay isku soo aadaan kaasoo isna noqonaya kulamo taariikhda geli doona.
Xafiiska Muqdsho
allburtinle.com






