Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud
June 18, 2011 // admin // Islam, NewsWaa barnaamij xiiso badan oo maalin kasta oo jimco ah aanu soo saari doono, iyadoo uu barnaamijkani noqon doono mid ay si’ weyn u xiiseeyaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed haddii uu RABI Idmo.
1-Su’aal Sheeg Abii Daalib oo ah nin Gaal ah wuxuu difaaci jirtay Diinta Islaamka, waa maxay Sababta?
Jawab: Maxaa yeellay wuxuu ahaa nin og in Diinta Islaamka ay ahayd Diin Xaq ah, misena wuxuu jeclaa Nabi Muxamed “N.N.K.H”.
2-Su’aal Sheeg Abii Daalib imisa sano ayuu difaacaayay Diinta Islaamka?
Jawab: Wuxuu difaacaayay muddo dhan 10 sano.
3-Su’aal Sheeg imisa sano ayay Dacwada “Fidinta Diinta Islaamka” ay ku socotay si qarsoodi leh?
Jawab: Waxay si qarsoodi leh ay ku socotay muddo seddex sano ah.
4-Su’aal Sheeg sanadkii la-waajib yeellay Soonka?
Jawab Waxaa la-waajib yeellay sanadkii labaad ee Hijriyadda.
5-Su’aal Sheeg afarta Nabi ee isdhashay?
Jawab: Waxay weeye Nabi Ibraahim Cs, Nabi Isxaaq Cs, Nabi Yacquub Cs iyo Nabi Yuusuf Cs.
6-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan?
Jawab: Wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1908-dii.
7-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre?
Jawab: Wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1919-kii.
8-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay Madaxweyne Cabdi Rashiid Cali Sharmarke?
Jawab: Wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1919-kii, waxaana la-sheegaa inay isku waqti dhasheen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
9-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed?
Jawab: Wuxuu dhashay 1934-kii.
10-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay General Maxamed Faarax Caydiid?
Jawab: Wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1934-kii, waxaana la-sheegaa inay isku waqti dhasheen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Fiiro Gaar ah: Akhristayaal ha-moogaanina barnaamijkaan xiisaha badan oo aanu maalin kasta oo Jimcaha soo saari doono haddii uu Eebe Idmo.
Xasan Cadde
Hargeysa, Somaliland
Kedis114@hotmail.com



