ku dhawaad 100 Xildhibaan oo Maanta Muqdisho kaga dhawaaqeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu xilkiisii ku waayay takri fal awoodeed.
November 29, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Xildhibaano ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya gaar ahan kuwii aadka uga soo horjeeday in la ansixiyo Xukuumada ayaa maanta kulan gaar ah waxay ku yeesheen Muqdisho iyagoo kaga dhawaqay inay kalsoonidii kala laabteen Gudoomiyaha Barlamaanka islamarkaana uu gudoomiyaha xilkiisa ku waayay ku takri fal awoodeed,
Mid ka mid ah Xildhibaanadaasi oo u hadlayay inta kale aya wariyayaasha kulankooda kadib u sheegay inay yihiin 92 mudane islamarkaana ay xil ka qaadis ku sameeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka isagoo ku eedeeyay inuu ku tuntay axdiga Dalka iyo xeer hoosaadka Baarlamanka.
“Gudoomiyihi Baarlamaanka waxaa uu ku dhaqaaqay takri fal awoodeen sidaa daraadeed wuxuu sidaas ku waayay xilkiisiii waxaana ugu baaqeynaa Xildhibaanada inay isu yimaadaan si degdeg ah si ay u doortaan Gudoomiye cusub” ayuu yiri Xildhibaanka u hadlayay mudanayaasha maanta ku shirey Muqdisho
Waxyaabaha sida gaarka ah ay gudoomiyaha ugu eedeeyeen waxaa ka mid ah in kulankii ugu danbeeyay ee lagu ansixinyaya wasiirada uu si sharci daro ah uga saaray shirka ilaa 72 mudane oo usanu ahsan sharci sida ay sheegeen.
Guud ahaan anisixintii wasiirada ayay Xildhibaanadu sheegeen inuu sharci daro ahaa islamarkaana aanay wasiiradu haysan wax kalsooni xildhi xildhibaanimo ah.
wax war ah wali ka soo saarin Gudoomiyaha Baarlamaanka warka maanta ka soo baxay Xildhibaanada Dowlada KMG Soomaaaliya ee isaga ay ku mucaaradeen kuna sheegeen inu xilkisii waayay.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


