Kulan u Dhexeeya Maamulka Puntland iyo Hay'adaha UN-ka oo Maanta ku Soo Gabagaboobey M-Garoowe
September 29, 2010 // admin // NewsWaxaa maanta kusoo gaba-gaboobay xaruta cilmi baarisata ee PDRC ee magaalada garoowe kulan balaaran oo uu dheexay Hay’adda UNDP iyo Hay’daha Puntland gaar ahaan Wasaaradaha dowlada ayaa maanta ku soo gabagaboobey magaalada garoowe ee caasimada puntland kulankaan oo ahaa mid ka socday xarunta cilmi barista ee PDRC islamarkaana looga hadlayey’daha mashaaricaha ay wada wadaan Hay’dda UNDP iyo Puntland kaas oo socday mudo 3 bariya islamarkaana ay labada dhinac uga wada hadlaan waxyaalihiin ka qabsoomay iyo wixii aan qabsoomin sanadka 2010.
Kulankaan oo ay sida wada jira u soo qaban qaabiyeen Hay’da UNDP iyo wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicaha horumarinta puntland gaar ahaam mashruuca Joint Program Local Government (JPLG) oo ah mashruuc ay maal galinayso Hay’da UNDP islamarkaana ah kulan qabsooma sadexdii biloodma mar ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xirmay magaalada garoowe ee caasimada puntland.
Kulaankaan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta labada dhinac gaoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta labada dhinac gaar ahaan Wasaarda Ariimaha Gudaha,Wasaarda Waxabarshada,Wasaarda Haweenka iyo afar dagmo oo kala ah Boosaaso Garoowe Qardho iyo Gaalkacyo kuwaas oo ka wada qayb qaadanayey kulankaan inta uu socday.
Kulaan kaan ayaa waxaa uu mudo sadex maalmood ah uu kasocaday xarunta hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaan mudadaa looga hadalya waxii ka qabsoobaya mashruuca JPLG sadexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo waxii ka qabsoomay,iydoo waxii aan qabsoomin sadexdii bilood ee lasoo dhaafay la isala qaatay in la qabto sadexda bilood ee soo socda.
Waxaa sidoo kale looga hadalay qorshaha cusub ee sandka 2011 la qaban doono iyo qaabka loo fulin doono iyo qaabka loo samayn karo fidinta maamulka dagmooyinka gaar ahaan sidii mashaariicaha kala duwan ee ay wadaan Ha’daha QM ay gaaraan meelaha ka baxsan laamiga.
Kulaankaan ayaa waxaa xiritan kiisii kasoo qayab galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah Daa’ud Maxamed Cumar iyo masuuliyiin ka socday maamulka putland iyo Hay’da UNDP oo waday mashruucan gaar ahaan Wasiirka wasaarda hawenka Murwo Caasho Geele Diiriye iyo Wasiirka dowlaha Maamul Wanaag ee Madaxtooyada Maxamed Farax Ciise Gaashaan.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka Murwo Caasho Geele Diiriye ayaa kulankaas ka hadashay waxaana ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay sida wanaagsan ee loo soo agaasimay kulankaan iyo qaabkii wanaagsanaa ee mashruucaan looga wada shaqeeyey in uu hirgalo waxaana ay sheegtay in mashruucaani uu u baahan yahay in la dhamaystiro inta ka dhiman sanadka Cusub 2011.
Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay wasiirka Qorshaynta dowlada puntland mudane Daa’uud Maxamed Cumar oo intaas siiraaciyey in wasaaradiisu ay qorshaysan in sanadka cusub mashaariico kala duwan laga fulin doono degmooyinka ka baxsan jidka laamiga islamarkaana ay iska kaashanayaan qaybaha kala duwan ee wasaaradaha puntland iyo hay’ada UNDP
Isku soo wada duubo gagabadii kulankaan ayaa waxaa lagu qabtay qado sharaf goob loogu talo galay dalxiiska oo ku taala dhanka koorueed ee magaalada islamarkaana qado sharaf loogu sameeyey marti sharaftii ka qayb qaaadaneysan kulankaan inta uu socday gaar ahaan masuuliyiin ka socda maamulka Puntland iyo masuuliyiin ka socday Hay’ada UNDP.
Kulankaan oo ahaa mid horay loogu qaban jiray dalka dibadiisa ayaa haatan u muuqda mid ka maxsan shirarkii hore maaadaama lagu qabtay gudaha deegaanada puntland tan iyo intii maamulka cusub ee uu horkacayo Madaxwayne Faroole.
Siciid Soomali
Wakiilka Allburtinle-Garoowe, somaliya






