News

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta uu Jawaari khubdadda ka jeedin lahaa oo muran dartii u baaqday

Iyadoo maanta lagu waday in guddoomiyaha is casilay uu hadal ka jeediyo kulanka guud ee baarlamaanka ee maanta qabsoomi lahaa ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kulanka uu u baaqday muran la xidhiidha habka uu kulanka u qabsoomaayo iyo hadal jeedinta jawaari habka loo maraayo.

Arrinta ugu weyn ayaa ah cidda noqoneysa shir guddoonka kulanka golaha shacabka ee jawaari uu hadalka ka jeedin doono maadama uu is casilay waxaana la sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka cabdi wali muudey uu diidanyahay in jawaari uu ku fariisto kursiga shir guddoonka .

Jawaari inta uusan istaqaaladiisa ka horjeedin shirka guud ee golaha shacabka ayaa waxaa uu ku fariisanaya kursiga shir guddoonka taasi oo muran weyn dhalisay balse tan iyo xalay waxaa socday kulamo lagu xalinaayo muranka ka taagan qabsoomidda kulanka golaha shacabka waxaana lala yaabanyahay maadama uu jawaari is casilay sababta uu khilaafka iyo muranka weli u socdo