News

LONDON: Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo ka degay London+Sawiro

London: (pv)- Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa ka degay Caasimada Dalka Ingiriiska ee London, iyagoo halkaas uga qayb galaya shirka looga arrin sanayo arrimaha dalka Soomaaliya 23-ka bishan.

Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka degay Magaalada London Jaaliyada Puntland ee ku nool magaalada London oo caawa fiidkii halkaas tegay si ay usoo dhaweeyaan Madaxda Puntland.

Waxaa waftiga Madaxweynaha la socday wasiiro iyo saraakiil sar sare oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirka Arimaha Gudaha, wasiirka xiriirka Caalamiga , wasiirka Waxbarashada, wasiirka Warfaafinta iyo gudoonimayaha gudiga doorashada Puntland.

Masuuliyiinta Puntland ayaa loo gudbiyey Hotel caalamiya oo loogu talagay inay joogaan inta ay ku sugan yihiin cariga Ingiriiska.