Articles

Ma moodaa in Madaxweynaasha Soomaalida lagula balamo inay keenaan sedex Ra’iisulwasaare inta ay xilka hayaan?

Kasoo bilow Madaxweynihii Dowladii Carta C/qaasim Salaad Xasan ilaa Madaxweynaha hada xilka haya waxaad moodaa in lagula balamo inay keenaan ugu yaraan sedex Ra’iisulwasaare.
C/qaasim wuxuu isku badalay ilaa sedex ra’iisulwasaare kuwaasoo kala ahaa sidan
1-Cali Khaliif Galeyr
2-Xasan Abshir Faarax
3-Maxamed Cabdi Yuusuf
Sidoo kale C/laahi Yuusuf Axmed AHN wuxuu isku badalay labo Ra’iisulwasaare inkastoo midkii sedexaad aysan u suuragelin islamarkaana isagoo wada qorshihii uu ku magacaabi lahaa xilka laga qaaday.
Labada Ra’iisulwasaare ee AHN C/laahi Yuusuf magacaabay waxay kala ahaayeen:
1-Prof.Cali Maxamed Geedi
2-Nuur Xasan Xuseen (N.Cadde)
Sidoo kale Dowladii Shariif Sh.Axmed oo midaan hada jirta badashay waxaa lagu xasuustaa 3 ra’iisulwasaare kuwaasoo kala ahaa sidan:-
1- Cumar C/rashid Cali Sharmaake
2-Maxamed C/laahi Farmaajo
3-Prof.C/weli Maxamed Cali Gaas.
Haddaba Madaxweynaha iminka xilka haya durba hal sano kadib waxaa laga sugayaa inuu ra’iisulwasaarihiisii labaad ku dhawaaqo markii shalay codka kalsoonida lagala laabtay Ra’iisulwasaare Cabdi Faarax Shidoon.
Ifafaalaha muuqda ama aragtida shacabka soomaaliyeed ay qabaan ayaa ah in beesha caalamku ka danbeyso qorshahaan islamarkaana Madaxweyne kasta lagula balamayo inuu dhowr jeer rido kadibna soo magacaabo mid hor leh taasoo siyaasada ka danbeysa siyaabo kala duwan loo fasiran karo.
Waa midaa hore ku qancinta beelaha kala duwan ee badanaa loo dhiibo xilka ra’iisulwasaaraha iyo mida kale oo ah siyaasadaha iyo danaha qarsoon ee reer galbeedku ka leeyahay Soomaaliya.
Tusaalaha nagu filan waa hadaladii shalay ka soo baxay ergeyga Qaramada Midoobe ee arimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay oo si farxad ka muuqato u soo dhaweeyay sida xukuumada Saacid loo riday.
Hadaladiisa waxaa ku jira inuu madaxweynaha ugu baaqayo inuu degdeg ku magacaabo ra’iisulwasaare cusub,waxaa kale oo ku jira inuu amaan kala dul dhacay baarlamaanka iyo gudoomiyahooda isagoo waliba sheegaya in si mas’uuliyad ku dhaahan tahay loo maareeyey mooshinkii lagu riday xukuumada.
Waxa Qorey: C/fitaax Maxamed Salaad Diyeeshe
diyeeshe15@hotmail.com
– See more at: http://shinganinews.com/?p=23460#sthash.Dwa22D1y.dpuf