News

Maamuladda Ahlusuna iyo Gal-mudug oo Heshiis kala saxiixday,

waxaa magaaladda moqdishu ka dhacay xaflad lagu kala saxiinayey heshiiskii dhex maray maammuladda galmudug iyo Ahlu Suna, xafladda waxaa ka soo qayb galay, Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Gudoomiyaha baarlamaanka fadaraalka, madaxweyne yaasha Jubaland, iyo koonfur Galbeed, si ay goob joog uga noqdaan heshiiska labada maamul,

maamuladda ahlusuna iyo Gal-mudug ayaa waxaa ka dhex taagnaa khilaaf aaad u ba’naa kaasoo ugu danbayntii isku badalay dagaalo ku dhexmaray magaaladda cabudwaaq iyo balanbale,

heshiiskaan ayaa hordhiciisa lagu soo galay magaaladda Jabouti ee dalka jabouti iyagoo wafi ay kala hogaaminayaan madaxweyne Xaaf iyo Madaxweyne Sheekh Shaakir, ku gaareen heshiis hordhac kasoo lagu kala saxiixday magaaladda Moqdishu,

Heshiiskaan ayaa la filayaa inuu guud ahaan meesha ka saaro khilaafkii Joogtadda ahaa kaasoo u dhexeeyey maamuladda ahlusuna iyo Gal-mudug, waxanaa loo balamay amba qaadka iyo dhaqan galinta heshiiska la gaaray,

warar uu helayo warsidaha Puntland Voice ayaa sheegay inay wali ka jiraan siyaasiyiin kasoo kala jeedda labada maammul kuwasoo kasoo horjeeedda sheegayna inaysan matalin madaxda heshiisay,