News

MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR 100,000 OO DOLLAR UGU DEEQAY BULSHADA REER HIIRAAN.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlayay dhibaatada ka dhalatay daadadka maansheeyay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa magacaabay guddi gurmad u fidiya shacabka dhibaataysan.

Eng Yarisow ayaa sheegay iyadoo laga jawaabayo baaqa bulshada dhibaataysan ee Hiiraan ay ugu deeqeen lacag dhan 100,000 oo dollar (Boqol kun oo dollar), si wax loogu qabto dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay fatahaadda.

Xubnaha Guddiga uu magacaabay Duqa Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaysa guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee M/mulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, waxana xubno ka ah qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal heer gobol ah, waxayna ka shaqeyn doonaan in shacabka Caasimadda ay dhaqaale ka aruuriyaan.