News

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah ee adeegsada waddooyinka Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah ee adeegsada waddooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Dugsiga Tababarka Booliska Jenaraal Kaahiye kaga qeyb galay shir ku saabsanaa xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha Ammaanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo amniga waddooyinka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha ayaa kala hadlay saraakiisha Booliska sidii looga hortagi lahaa gaadiidka sumad la’aanta ah (taariko la’aanta) ee adeegsado waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona arrinkan laga soo saaray awaamiir cad oo tilmaamaysa in gabi ahaanba magaalada lagu dhex wadan karin gaadiidka aan taarikada lahayn.

Kulanka Waxaa Guddoomiyaha Gobolka kala qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo saraakiil ka socotay hoggaanada kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.