News

Maamulka Gobolka Bari iyo Odayaasha Dhaqanka oo Kulan ka Yeeshay Muhaajirtiinta Oromadda

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Max’ed Wacays (Dhedo), Agaasimaha Qaxootiyada Puntland Burhaan Huruuse Xaashi, hey’adaha ka shaqeeya arrimaha muhaajiriinta iyo qaar ka mid ah nabadoonada gobolka bari ayaa maanta shir ku yeeshay Xafiiska gudoomiyaha Gobolka ee Bosaso.
Shirkaan ayaa lagu lafaguray siddii looga jawaabi lahaa, xalna loogu heli lahaa muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee beryahan danbe ku soo qulqulaya deegaanada Puntland.
Dood iyo falaqayn dheer kadib masuuliyiintaasi waxay isla qaateen in la dardargeliyo ka jawaabista iyo wax qabashada muhaajiriinta iskudhafan sida ugu dhaqsaha badan.