News

Maamulka Xarakada Alshabaab ee Magaalada Muq disho oo Maanta gubey raashin iyo dawo dhacday

Muqdisho (AB):-Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee Gobolka banaadir ayaa maanta Muqdisho ku gubay raashin iyo dawo waqtigoodu dhamaaday.

Raashinka iyo dawada ayaa ahaa kuwo intooda badan ay iskood u keeneen dad qaab ganacsi ahaan ugfu haystay goobahooda ganacsi kadib baaq dhawaan ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen kaasoo ahaa in ganacsatadu iska soo baxshaan waxyaabaha dhacay.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ka hadlay gudaha xaafada hurwaa oo raasshinka lagu gubayay ayaa uga digay ganacsatada raashinka iyo dawada inay iska soo saaraan wixii dhacay ee ay ku hayaan goobahooda ganacsi intaa aanay ciidamadu ogaan kadibna xoog ku soo qaban.

“ganacstada waxaan leenahay intii aysan dhibaato idinkaga imaan waxa dhacay ee aad ku haysaan goobihiina ganacsi waa inaad inta ay gooru goor tahay iska soo saartaan si loo gubo” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen

“qofkii lagu qabto raashin WFP keentay dalka waxan u arkeynaa qof la shaqyenaya cadowga oo baabi’inaya shacabka Soomaaliyeed, wax cudur daar ahna ma yeelan doonaan sharciga ayaana la horgey doonaa” ayuu mar kale yiri

Inta badan suuqyada Muqdisho gaar ahaan dhinaca ay xarakada Alshabaab ka maamulaan ayaa saameyn xoogan waxaa uu ku yeeshay digniinta sheekh Cali Maxamed Xuseen ee ahaa inay ganacsatadu iskood isaga soo saaraan waxa dhacay.

Raashinka la gubay ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ay dalka soo gelisay Hay’ada WFP kuwaasoo noqday kuwo waqtigoodu dhacay.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@gmail.com