MACALIN XAASHI " idaacadaha Muqdisho kama qeybgeli karaan xuska 1-da luulyo mana soo deyn karaan khudbooyinka arintaasi ku saabsan"
June 30, 2010 // admin // NewsMacalin Xaashi Maxamed Faarax oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Macalin Xaashi Maxamed Faarax ayaa Maanta shir jaraa’id uu Muqdisho ku qabtay kaga digay in la xuso maalinta 1-da Luulyo oo ah markii Soomaaliya ka xorowday gumeystihii Ingriiska.
Macalin Xaashi waxaa uu intaasi ku daray in idaaadaha Muqdisho aysan deyn karin wararka ku saabsan xuska 1-da Luulyo iyo khudbooyinka ay jeedin doonaan madaxda Dowlada KMG Soomaaliya.
“idaacadii soo deysa wax ku saabsan xuska 1-da Luulyo ama xitaa xus maalmaha loo yeeloo dhan talaabo ayaan ka qaadi doonaa” ayuu yiri Macalin Xaashi Maxamed Faarax
” idaacadaha Muqdisho kama qeybgeli karaan xuska 1-da luulyo mana soo deyn karaan khudbooyinka arintaasi ku saabsan” ayuu yiri Macalin xaashi
wuxuu tusaale u soo qaatay maalinta Aids-ka,maalinta Caruurta iyo kuwa la midka ah oo dhan,waxaana uu ku sheegay dhamaantood inay yihiin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka,iyaga ka Urur ahaana aysan aqbali doonin xusaska maalmahaasi loo suubsaday.
Amarka Ururka Xisbul Islaam waxaa uu is badal ku keeni karaa qaababka shaqo ee idaacadaha Muqdisho kuwaasoo hore uga qeybgeli jirey xusaska nuucaani oo kale ah.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
pppppppppppppp
Muqdisho (PP) − Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo maanta shir jaraa’id u qabtay Magaalada Muqdisho ayaa uga digay Idaacadaha ka howgala Magaalada Muqdisho inay ka qaybgalaan xuska 50-guuradii kasoo wareegtay markii ay xorowday Somalia.
Macallin Xaashi wuxuu sheegay in idaacadaha aysan sii dayn karin wararka ku saabsan 1-da Luuliyo iyo Khudbooyinka ay jeediyaan Madaxda Dowladda Somalia, isagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Idaacaddii baahisa.
Sidoo kale mas’uulkan wuxuu sheegay inaan la xusi karin maalmaha ay ka mid yihiin Mowliidka Nebiga iyo xusaska la midka ah ee ay Somalidu sameyso, waxaana uu sheegay Macallin Xaashi inaan la diidanayn xorriyadda Somalia, balse la diidan yahay in maalin gaar ah loo sameeyo.
Amarkan lagu soo rogay Idaacadaha ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa amarro horay loogu soo rogay warbaahinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho, taasoo ay fuliyeen, iyadoo amarkan uu noqonayo kii ugu dambeeyay.
Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay xus ballaaran u qabanayso xuska maalinta ay Soomaaliya ka xorowday Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga ayna midobeen gobollada Koonfureed ee iyo kuwa Waqooyi.


