digg icon delicious icon

Macallin wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Urdun oo loo xiray in uu la shaqeeyo ALqacida.

November 30, 2010   //     //   News

Macalin u dhashay dalka Urdun islamarkaana wax ka dhigayay jaamacad ku taala dalkaasi ayaa waxaa xiray ciidanka ammaanka dalka Urdun isagoo lagu eedeeyay in uu la shaqeeyo ururka Daliban ee ka dagaalama dalka Afdanbistan.

Dr: iyaad Al-quneybi ayaa ah markii labaad oo ay xiraan ciidamada dalka Urdun iyagoo tilmaamay in uu lacago u diri jiray islamarkaana uu xiriir wanaagsan la leeyahay ururka Al-qacida, balse xarigii hore ee loo geestay ninkan ayaa ahaa mid ku saabsan in uu xiriir la leeyahay xarakaat islaamiyiin ah oo kasoo horjeeda dowladda Urdun oo kajira gudaha dalkaasi.

Dr iyaad ayaa ah macalin wax ka dhiga jaamacad ku taala dalka Urdun wuxuuna soo bartay cilmiga Pharmacy-ga isagoo PHD ka heysta dalka Mareekanka oo uu waxbarshadiisa kusoo qaatay wuxuuna ka mid yahay dadka looga dambeeyo cilmigaasi.

Dadweyne aad u tira badan iyo qoyska uu kasoo jeedo Dr iyaad ayaa isugu soo baxay mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan xariga loo geestay Macallinkaa oo ay ku sheegeen in uu yahay mid qaldan islamarkaana aanay waxba ka jirin eedeenta loo soo jkeediyay ee ah in uu lacago u diro ururka Al-qacida, waxeyna ka dalbeen dowladda in ay soo deyso macalinkaasi.

Qoyska uu kasoo jeedo Dr-kan la xiray ayaa ku eedeeyay ciidanka ammaanka urdun in ay si xun ula dhaqmeen Macallinkaas iyagoo geliyay xabsi gooni ah ilaa haatana aanan ku heyn wax cadeyn ah oo sheegaya in uu la shaqeeyo ururka Al-qacida.

ururada kajira dalkaas ayaa ku sheegay in dowladda Urdun ay sumcad xumo u tahay falkan ay ku kacday islamarkaana ay sababi karto kalsooni darri ay kala kulmaan dhacabka reer Urdun.

sidoo kale shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in asyan u adkeesan karin falkan lagu xiray Saaxibkood Iyab waxa ayna ka codsadeen dowladda in ay soo daayaan ninkan islamarkaana ay mag dhaw ka bixiyaan falka ay u geysteen macalinkaasi.

Dalka Urdun ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in ay maxaabiista u geestaan jirdil inta ay ku guda jiraan xabsiyada taasoo hay’adaha xuquul insaanka u dooda ay in badan ku celceliyeen in ay wax ka bedesho Urdun sida ay ula dhaqanto maxaabiisteeda.

Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
Nairobi_Kenya

Readers Comments (0)