digg icon delicious icon

Madaafiic Khasaare gaystayoo maanta lagu garaaca Suuqa Bakaaraha iyo xaafado kale

June 30, 2010   //     //   News

Muqdisho (AB):-Xalaada suuqa bakaaraha ayaa maanta aad u kacsan waxaana isag abaxay dadkii ugu badnaa oo ganasi ahaan subixii hore u tagay halkaasi kadib duqeymo madaafiic oo ku soo hoobtay suuqaasi taasoo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaaray.

Gudaha suuqa waxaa ku geeriyooday inta laga war hayo 2 ruux halka 7 kale ay dhaawacyo soo gaareen markii goobahooda ganacsi ugu tageen madaafiicda waxaana ka mid ah meelaha dadka ugu badan ku dhaawacmeen Xarunta Dadnimo oo lagu sameeyo webiste-yada nuucyadooda kala duwan,sidoo kale ay ku yaalaan xafiisyo shaqo.

Sidoo kale madfac ku dhacay degmada Xamar jajab ayaa la sheegayaa inuu gaystay dhimashada hal ruux iyo dhaawac dhowr qofood kale,waxaana guud ahaan aad u ikacsan maanata xaalada Mmagaalada muqdisho, oo aagaga qaarna ay dagaalo ka dhacayaan kuwaasoo laakiin goos goos ah, isla markaana marna dagaaladu kacayaan marna qaboobayaan.

Baabuurta gurmadka deg deg ee loo yaqaan aanbalaasyada ayaa waxaa maanta la arkayay iyagoo aad u mashquulsan,meelo kala duwan dhaawacyada ka soo daabulayay.
 

Duqeymaha maaafiic ayaa maanta saameyn ku yeeshay degmooyin badan gaar ahaan suuqa bakaaraha waxaana la arkayay dadkii suuqa oo kala qeybsamay kuwa ka sii cararaya iyo kuwo daaraah dhubka ah ku hoos gabanaya.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
 

Readers Comments (0)