News

Madaafiic Xalay laga garaacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa xalay waxaa ku soo dhacay dhowr madaafiic oo ku dhacday qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Madaafiicda ayaa waxa ay ku dhaceen nawaaxiga Degmada Xamar weeyne ee Gobolka Banaadir.

Ma cada ilaa iyo iminka khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi oo xalay laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale rag katirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic iyo dagaal toos ah ku qaaday fariisin ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Muqdish ee caasimada Soomaaliya.

Amaanka guud ee Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay xili maanta lagu wado in Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.