Madaxii shaqaalaha Shirkada Xawilaada Qaran ee Gaalkacyo oo Maanta la dilay.
July 31, 2010 // admin // NewsGaalkacyo (AB):-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay kooxo hubeysan dil iyo dhac ugu gaysteen shaqaalaha shirkada Xawilaada Qaran ee magaaladaasi.
Wararka ayaa tilmaamaya in kooxaha hubeysan rasaas ku fureen gudaha xaruntaasi kadibna uu halkaasi ku geeriyooday madaxii shaqaalaha Xawilaada Qaran ee Gaalkacyo Marxuum Jaamac dheere.
Sidoo kale mid ka mid ah ilaalada ayaa isna dhaawac uu soo gaaray markii kooxaasi rasaas ooda uga qaadeen xarunta Shirkada Qaran ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Dabelyda oo la sheegay inay ahaayeen ilaan 8 burcad ah ayaa la soo sheegayaa inay baxsadeen markii dilka iyo dhaca gaysteen.
allburtionle.com
Gaalkacyo-Mudug


