Madaxda midowga africa oo doortay gudoomiye cusub
January 31, 2011 // admin // NewsMadaxda midowga africa ee kulanka ugu socda xarunta dalka Ethiopia ayaa u doortay gudoomiyaha midowga africa mudo sanad ah madaxweyanaha dalka Iquatoril Genue oo lagu magacaabo Tiyotoro Obiyang Naqima.
kulanka madaxda oo socda ilaa iyo maanta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in shan madaxweyne oo ka tirsan qaaradda africa in loo magacaabbo xalinta dalka Ivory cost kuwaasoo muddo bil ah laga doonayo in ay soo afjaran dhibaatada kataagan dalkaas.
madaxa wadahadalada midowga africa Jan Bing ayaa tilmaamay in muhiimdu ay tahay in Alxasan Watara uu si nabad ah ula wareego maamulka dalkaas.
sidoo kale madaxda midowga africa waxey taageera buuxda lagarab istaageen qorshaha kenya ay ku dooneysa in ay kaga baxdo heshiiskii maxkamadda Icc-da, sidoo kale waxey ka hadleen dowladaha Masar, tunisia, iyo Algeria oo ay ugu baaqeen xukuumadahooda in ay u dhega nuglaadaan rabitaanka dhacabkooda.
halka koonfurta sudan oo natiijadahordhaca aheydna laga dheehday in ay ka go’ayan sudan inteeda kale ayaa waxey ku sheegeen in ay tahay mid u baahan in la tageero islamarkaana la xanaaneeyo inta ay lugeheeda ku istaageeso.
Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Xafooska warqabadka Nairobi,Kenya



