digg icon delicious icon

Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo Wafdi uu horkacayo oo Maanta oo maanta booqday Degmada Balcad

June 30, 2012   //     //   News

(Balcad(PV):-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya SAhariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday magaalada Balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe halkaasoo dhawaan Dowladu kala wareegtay Xoogagaga alsaaab markii ay isaga baxeen.

Wagdiga Mdaxweynaha waxaa ku jirey Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Khaliif, taliyayeyaasha ciidamada Booliska iyo milateriga Jen. Shariif Shiikhunaa Maye iyo Jen. C/qaadir Cali Diini iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha oo si weyn loo ilaalinayay ayaa lau soo dhaweeyay magaalada Balcad halkaasoo dadweynaha degmadaasi qaarkood wadooyinka soo istaageen iyadoo soo dhaweynayay imaanshiyaha Madaxweynaha.

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo ka md ahaa mas’uuliyiin khudbad ka jeediyay soo dhaweynya madaxweynaha ayaa sheegay inay isagoo ku hadlaya magaca dadka iyo maamulkaba ay soo dhaweynayaan kuna faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha ee degmada Balcad.

“madaxweyne dadkaani aad u jeedo waxay soo xireen goobahooda ganacsi waxayna qoraxdaan aad arkeydo u taagan yihiin waa soo dhaweyntaada”ayuu yiri Cabdi Jiinow oo ahaan jirey mareeyaha dekada dhawaana loo magacaabay Gobolka shabeelaha dhexe oo dhanka kale u mahad celiyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom kuwaasoo uu ku amaanay inay alshabaab ka saareen magaalada.

Tacabka beeraha ayuu sheegay Cabdi Jiinow inay diideen Xogagii alshabaab ee isaga baxay Balcad isagoo dhanka kale ku eedeeyay inay dhibaato ku hayeen shacabka sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay inay ka hor istaageen hay’adihii samafalka inay wax taraan dadka tabaaleysan.

Sidoo kale waxaa isna hadal jeediyay Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ahna ra’iisulwasaare xigeen C/wahaab Ugaas Khaliif kaasoo shacabka reer balad ugu baaqay inay nabada ka qeybqaataan.

Ugu danbeyn waxaa hadlay Madaxweynaha Soomaaliya kaasoo ku nuux nuuxsaday sida uu ugu faraxsan yahay inuu tago Balcad ee G.sh.dhexe oo ah gobolka uu ka soo jeedo.

“aad ayaan ugu farxsanahay inaan maanta soo gaaro Degmada Balcad markii laga saaray cadowgii mudada haystay, waxaan idin leeyahay hambalyo guushaasna mid waarta ALLAHA ka dhigo”ayuu yiri Madaxweyne shariif oo ku amaanay degmadaasi inay tahay mid wax soo saar leh.

Shariif Sheekh Axmed waxaa uu intaasi ku daray la wareegitaanka dowlada ee degmada Balcad ay tahay mid bilow u ah xoreynta gobolka Sh/dhexe oo dhan sida uu yiri iyo gobolada kale ee dalka

Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)