digg icon delicious icon

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo gaaray Dalka Itoobiya

May 30, 2011   //     //   News

Adis ababa (AB):-Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Adis ababa halkaasoo ay howlo shaqo u tageen.

Madaxweyne Faroole iyo Mas’uuliyiinta la socda oo dhawaan ka qeybgalay shirkii Nayroobi ka dhacay ayaa la sheegay inay maalmo kadib oo ay Kenya ku sugnaayeen u dhoofeen dalka Itoobiya islamarkaqan ay hada ku sugan yihiin magaalada adis ababa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono madaxda sar sare ee dalkaasi iyagoo ka wada hadli doono xiriirka labada dal gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo amniga iyo sidoo kale xaalada guud ahaan dalka Soomaaliya.

kulamadaani kadib lama yaqaan halka madaxweynaha iyo wafdigiisa ay sii abaari doonaan inkastoo wararka qaar sheegayaan inay dib ugu soo laaban doonaan caasimada Puntland ee Garoowe halkaasoo ay markii horeba ka dhoofeen.

Wafdiga madaxweynaha ayaa markii uu dhamaaday shirkii Qaramada Midoobey iyo dhinacyada Soomaaliya waxaa ay kulamo gaar ah la qaateen madaxda qaramada midoobe iyagoo ka wada xaajooda arimaha u gaarka ah Puntland iyo tan guud ahaan Soomaaliya iyadoo shirka intii uu socday madaxweyne Faroole ka jeediyay mowqifka Puntland marka la eego xaalada guud ee Soomaaliya,sidoo kale madaxweynuhu waxaa uu tafaasiil ka baxshay waxa puntland markii hore loo aas aasay iyo yoolka ay higsaneyso.

allburtinle.com

Readers Comments (0)