Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ka hadalay howlgalo amniga lagu sugayay
August 31, 2011 // admin // NewsGaroowe (AB):-Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Sh.Maxamed faroole ayaa ka hadlay howlgalo dad lagu qabqabtay kuwaasoo amniga quseeyay.
Madaxweyne faroole ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada amniga Dowlada Puntland ay qabteen rag loo soo kireytsay inay qalqal geliyaan amniga Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.
Shaqsiyaada la qabqabtay ayuu madaxweynuhu sheegay in qaarkod danbiga loo haysto qirsan yihiin ayna cadeeyeen in loo soo kireystay sidii ay falal amni daro uga sameyn lahaayeen dhulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada amaanka inaysan marna cafin dadka Puntland ka soo jeeda ee ku kacda falal amni daro,isagoo dhanka kale luga digay dadka ku barakacay deegaabada Puntland inay ka waamtoobaan ka qeybqaadashada falalka amni darada ah.
Isagoo ka hadlay waxa salka ay ku hayaan falalka amni daro ee ka jira Puntland marka la eego dilalka qorsheysan ayuu madaxweynuhu daboolka ka qaaday inay yihiin kuwo dano siyaasadeed laga leeyahay, waxaana uu meesha ka saaray inay wax diin ah salka ku hayaan.
Maaha markii ugu horeysay oo madaxweyne Faroole uu toos uga hadlo xaaladaha amaan iyo howlgalada ciidamada amaanka,waxaana uu warkiisu ku soo aadayaa xili dhorw qofood loo qabqabtay inay gaysteen xaalad amni daro oo ka dhan ah dhulka Puntland.
Xafiiska Garoowe
allburtinle.com



