News

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay saameeyeen fatahaadaha uu wabiga Shabelle

ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Beledweyne.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dadka kunool Magaalada Baledweyne ay ku sugan yihiin Xaalad adag.

Waxaa uu sheegay in musiibada ka taagan Beledweyne ay ka weyn tahay maamulkiisa.

Madaxweyne Waare ayaa shir jaraa’id ku dhex qabtay xaafado ay gudaha u soo galeen Biyo ka dhashay fatahaada wabiga shabeelle, waxayna biyuhu u joogeen illaa jilibka.