News

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Baydhaba

halkaas oo maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmayo Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Shirkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo waxaa lagu go’aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo. Dowladda waxay ku hanweyntahay in shirkani ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo sii dardargelinaya arrimaha amniga, federaalaynta dalka, khayraad wadaaga iyo in dalka lagu soo dabbaalo siyaasad deggan oo ku dhisan wadatashi.