Madaxweynaha oo Sheegay in Howlaha Amniga ay dib u Bilowdeen
July 30, 2011 // admin // NewsWar-Saxaafaddeed ka soo baxay Xafiisa Madaxweyne Sahariif ayaa sidaan u qornaa:-
(Muqdisho, Soomaaliya, July,28 ,2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta waxaa uu goobjoog ka ahaa xaflad lagu dhaarinayay Golaha Wassirada cusub oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya.
Xafladaas ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Brlamaanka Mudane Shariif Xassan Sh. Adan iyo Mudane RaisulWasaare C/Weli Maxamed Cali. Sidoo kale xafladan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaano iyo xubno ka tirsan Bulshada Rayidka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa qudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay halkaas una sheegay Wasiirada cusub “ Howlaha na horyaalo way adagyihiin, waqtiguna aad ayuu u yaryahay, laakin howlahaas oo dhan waan dhameystiri karnaa. Sida aad la wada socotaan Soomaaliya waxaa ku habsady Abaarihii ugu xumaa abid, waxaana la rabaa in aan xalino”.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in howlihi amni sugida ay dib u bilowdeen lana sii wadayo ilaa Alshabaab& Al-Qeada laga cirib tiro dalka Soomaaliya
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
mabdalla@presidency.gov.so


