News

Madaxweynaha Puntland oo ku booqday isbitaalka Digfeer Ciidamaddo ka Tirsanaa Madaxtooyadda kuna dhawacmay Qaraxii Bosaso

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku booqday isbitaalka digfeer ee magaaladda moqdishu dhaawacyadda Ciidamo ka tirsanaa madaxtooyadda puntland kuwasoo ku dhaawacmay qarax lagula beegsaday magaaladda bosaso,

Booqashadda madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka qorshaynta Soomaaliya Jamaal maxamed Xasan, iyo xubno ka tirsan baarlamaanka dawladda federaalka ah,

madaxweynuhu wuxuu mid mid u booqday saraakiisha dhaawaca isagoo ka xog waraystay xaaladoodda Caafimaad, madaxweynuhu wuxuu sidoo kale kulan ka yeeshay maamulka isbitaalka digfeer isagoo ka xog waraystay xaaladda caafimaad ee saraakiisha dhaawaca ah, iyagoo uga warbixiyey xaaladda ciidamadda dhaawaca ah,