News

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Deegaanada Puntland ay ka jiraan Abaaro Xoogan

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxaxweynaha Puntland Dr.CabdiwelI Maxamad Cali Gaas ayaa looga hadlay Amniga iyo Xaaladda Abaaraha Puntland.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa sheegay in amniga Puntland uu wacan yahay, isla markaana Ciidanka ammaanka ay ka feejigan yihiin khataraha ka imaan kara kooxaha Daacish iyo Shabaab.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Puntland ayaa shirka intiisa badan kaga hadlay Xaaladda Abaaraha ee ka jira deegaanada Puntland.

Golaha Wasiirada ayaa caddeeyey in Puntland ay ku sii siqeyso waqtiyadii adkaa ee Abaaraha, waxayna hadda ay saameyn ku yeelatay abaartu dad gaaraya 1.6 milyan oo reer Puntland ah iyo 2,34 deegaan oo ka kala tirsan 9 gobol ee Puntland, waxaana hadda gaaray xaalad adag 103,000 qoys, sidaa darteed loo baahan yahay si wada jir ah looga istaago xaladaasi hadduusan ALLE Raxmadiisa Shubin.

Madaxweynaha Puntladn ayaa Golaha Wasiirada Puntland u sheegay in loo diyaar garoobo Xaaladda Abaarta, isla markaana la jiheeyo0 qorshayaasha wax looga qabanayo Abaarta, isagoo Madaxaweynaha Puntland shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan Abaaraha ku soo wajahan Puntland hadduu uu yaraado ama la waayo roobka gu’ga ee la filo haddii ALLE idmo, wuxuuna Madaxweynaha isugu yeeray wasaaraha qaabilsan arrimaha Abaaraha iyo hay’adaha ku howlan arrimaha bini’aadannimada.