Islam, News

(DAAWO VIDEO)Madaxweynaha Turkiga oo ka bad baaday Afganbi Ay Doonayaan in ay ku sameeyaan Ciidamada Turkiga

Ciidamada Militeriga Turkiga Ayaa  la wareegey xarumaha Muhimka Ee dowlada waxayna Xidheen wadooyinka waweyn ee ku yaala Dalka Turkiga,kadib in qilaab Militeri oo Dhacay,waxana laga maqalay  Qaraxyo xarumaha dowlada gar Ahaana Xarunta Barlamaanka.

Ciidamada  gashaandhiga Ayaa Xoog Kula wareegey xarumo muhimka Ee dowlada waxayna ka Sheegeen TV ga Inay hada dalkaasi gacanta Ku hayaan,lakiin waxa laga Maqlaya  xabado ka  Dhacaya wali dalkaasi.
Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan Ayaa ka Maqnaa Dalka Lakiin waxa Uu la Hadlay warbaahinta waxaana Uu Sheegay inu fashilmi Doono Incilaabkani mileteri ee xiligani hacay oo uu ku tilmaamay Kooxo dan gaar leh Inay ka danbeeyaan.
raysal wasaaraha Turkiga Ayaa Isaguna Sheegay inuu inqilaabkani Dhacay lakiin Ay ka Guulaysanayaan,waxana hada xaqiijiyey Inay goobo badan Oo xarumaha Dowlada Mileterigani gacanta Ku dhigeen ,Iyagoona wadooyinka Xiray,diyaaradaha  Dul Hee haabayana caasimada Ankara.
dadka Turkga Ayaa Ku wareeray Arintani lamana Oga Kooxdani tageerada Ay haystaan  Iyagoona la Sheegayo Inay Durba canbareeyeen Maraykanka Iyo dowlado kale waxayna Ku baqeen in la Xushmeeyo Dastuurka alka Iyo madaxda Dalkaasi.
waxa la Maqlayey Qaar ka Mid Ah dadka Weeraray xarunta Dhismaha Barlamaanka Oo ku Dhawaqaya Ällah AkbarÏyagoona rasaas Xoogan Adeegsanaya.

Hoos ka daawo Muuqaalka.