News

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Kuliyadda Tababarka Policeka Soomaaliyeed ee Carmo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya deegaanada Puntland ayaa hadda soo gaaray magaalada Carmo, waxa uu booqday xarunta labaad ee tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

waftiga madaxweynaha oo uu wahelinayey madaxweynaha dawladda Puntland DR Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ugu Horayn salaan sharaf ka qaatay Ciidanka Booliska soomaaliyeed ee ku sugan kuliyadda tabararka soomaliya.

kadib wuxuu madaxweyne Farmaajo kulamo la qaatay saraakiisha Kuliyaddda tababarka soomaaliyeed isagoo ka xog waraystay arimaha sidda hawlaha kuliyaddu u socdaan,

Madaxweyne farmaajo ayaa ku amaanay hogaanka tababarka hawsha ay u hayaan qaranka soomaaliyeed,

PuntlandVoice]
Puntvoice01@gmail.com