News

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sucuudiga oo ka wada hadlay Xaalada wadanka Soomaaliya

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha soomaaliya ayaa marki ugu horeysay khadka telefoonka kula hadlay Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud,

Boqorka ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee soomaaliya waxana uu tilmaamay in doorasho xor ah ay ka dahcday soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, waxa uuna ka codsaday in la xoojiyo xiriirka labada dowladood ee walaalaha ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha waxa uu boqorka sharaxaad uu ka siiyay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo in Boqortooyada Sucuudiga ay ka qeyb qaadato sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee haatan ku nool duruufo aad u qallafsan.