News

Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray magaaladda Qardho

Madaxweynaha dawladda soomaaliya maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdigiisa oo socdaal dhulka ah saakay uga ambabaxay magaalada garoowe ayaa hadda waxa uu gaaray magaalada qardho ee gobolka karkaar.

Boqolaal dadweynaha ah ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay calamo qoyan iyo marxabeyn aad u balaaran.

Madaxweynaha socdaalkiisa inta uu ku guda jiray waxa uu ku hakaday dhowr Tuullo oo shacabka uu kula hadlay.

Waxaa magaaladda Banankeeda ku soo dhaweeyey shacab aad u fara badan, isimo iyo Maamulka Gobolka kar Kaar, madaxweynaha ayaa u sii Gudbi Doona, Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari