News

Madaxweyne Farmaajo oo Hoygooda Ku Booqday Islaan Ciise iyo Garaad Saleeban

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka soomalia Maxamad C/llahi Farmaajo ayaa galabta hoygooda ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

”Waxaan ku ammaanayaa kaalinta ay isimadan ka geeysteen nabadeynta iyo wada noolaashaha shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Puntland.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in doorka isimadda Soomaaliyeed ee geedi socodka iyo Nabadaynta uu yahay mid lama ilaawaana, muhiimna u yihiin Geedi u Socodka Dawladnimadda Soomaaliya,

madaxweynaaha ayaa maalmihii ugu danbeeyey Booqasho ku Joogay Gudaha Puntland isagoo kulamo la Qaadanayey Qaybaha kala duwan ee Puntland,