News

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Booqday Xarumaha dawladda Puntland

Madaxweyne Farmaajo oo booqashadii ugu horreeysay ku jooga magaalada Garoowe ayaa maanta kormeer ku tagay qeybo ka mid ah caasimadda Puntland , goobaha uu tagay madaxweynaha waxaa ka mid ah isbitaalka guud, xarunta shirkadda korontadda oo la sheegay inay-tahay shirkaddii ugu horreeysay ee hawada ka dhalisa korantadda.

Intaas waxaa dheer inuu madaxweynaha dhagaxdhigi doonno xarumo kala duwan oo isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobolleed,kuwaasi oo laga dhisayo Garoowe, kormeerka kaddibna wuxuu madaxweynaha hadal u jeedin doonna ardayda wax ka barata jaamacadaha ku yaalla Garoowe