News

Madaxweyne Farmaajo oo u kicitimay Magaaladda sharmal sheikh ee Dalka Masar

Garowe ( Puntland Voice)

Madaxweynaha dawladda fadaraalka soomaaliya, maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta u safray magaaladda sharmal sheikh ee Dalka masar, madaxweynuhu wuxuu ka qayb galayaa shirka ganacsiga africa kaasoo maalmaha foodda nagu soo haya ka furmi doona magaaladaas,

Shirka waxaa ka qayb gali doona madaxweynayaasha Africa waxaana diiradda lagu saari doona hormarinta ganacsiga africa iyo caqabadaha hortaagan koboca dhaqaalaha africa, waxaana shirkaan marti galisay dawladda masar,

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda africa ee shirka ka qayb galaysa, wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa madaxweynagha dalka masar Cabdul fataax Alsiisi,

Puntlandvoice,
Puntvoice01@gmail.com